Mohamed Salah oo guul ku hogaamiyay Liverpool, Xili Reds ay iska xaadirisay Wareega 16ka Champions League.

0
254

Kooxda Liverpool ayaa iska xaadirisay wareega 16ka ee tartanka Uefa Champions League kadib guul ay ka gaareen kooxda reer Talyaani ee Napoli.

Ka hor inta aysan ciyaarta bilaaban Rajada kooxda reer Ingiriis ayaa ahayd mid aad u xun waxayna garoonka soo galeen iyagoo wadnaha farta ku haya, qatarna ugu jira in ay ka haraan Tartanka.

Ciyaarta ayaa ahayd mid aad u adag, Reds ayaana ugu dambeyn guusha la hoyatay waxaana ciyaarta ay ku dhamaatay 1-0.

Goolka qura ee Liverpool waxaa daqiiqadii 34aad u saxiixay xiddigooda Maxamed Saalax.

Reds oo sanadkii hore gaartay Finalkii Koobkan ayaana sidaas ugu soo baxday wareega xiga ee 16ka ee Tartankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here