NISA oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan al-Shabaab

0
75
Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay labo xubnood oo ka tirsan kooxda al-Shabaab.

Howlgalka lagu qabtay labada ruux ayaa ciidammadu ka fuliyeen deegaanka Sabiid Caanoole , ee gobolka Shabeellada hoose, sida ay baahisay NISA.

Sidoo kale, warbixinta NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay saanad ciidan iyo walxaha qarxa.
Al-Shabaab ayaa ku xooggaan gobolka Shabeellaha hoose ,halkaas oo la rumeysan yahay inay ka soo abaabusho weerarrada ay ka fuliso caasimadda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here