Qaar kamid ah Amaanka Magaalooyinka Dalk Kenya oo Aad lo adkeeyay

0
109

Sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya dowladda Kenya waxa ay si weyn u adkeysay ammaanka qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Kenya.

Ilaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ay jirto cabsi xoogan oo ku aadan in ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadan dalka Kenya, xilliyadda dadka aan Muslimiinta aheyn ay u dabaaldegayaan Ciida Kirismiska.

Gudoomiyaha degmada Mandera ayaa sheegay in ay Al-Shabaab doonaayaan in ay weeraraan xarumaha muhiimka ah ee dalka Kenya , gaar ahaan degmada Mandera.

Saraakiisha Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa lagu amray in ay suggaan Ammaanka Goobaha ay ku sugan yihiin dadka aan Muslimiinta aheyn, maadaama ay sheegeen in ay heleen xog ku aadan weeraro ay qorsheynayaan Al-Shabaab.

Saraakiisha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay adkeen doonaan ammaanka magaalooyinka Mandera iyo Garissa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here