Qaxootiga Yamaniyiinta ku nool Muqdisho oo amaan darro Uga Cararayo,

0
84

Warbixin lagu barbar dhigayay Xaaladda Qaxootiga Yemeniyiinta ee ku kala nool Magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ayaa lagu kala saaray Amniga, Noloshada iyo isdhexgalka Bulshada.

Qul-qulka Qaxootiga Yemeniyiinta ayaa soo bilawday sanadkii Dhammaadkii 2015-kii, kolkaas oo Isbaheysiga Sacuudiga ay bilaabeen Duqeynta Yemen.

Illaa Bartamihii 2016-kii ayay kusoo Qul-qulayeen Qaxootiga Yemen Soomaaliya, iyaga oo kasoo kala degay Dekeda Boosaaso, Berbera iyo Muqdisho.

Magaalada Boosaaso oo ah Halka ugu badan ee ay ku nool Yihiin Qaxootigaan waxaa la sheegayaa in Dhibaatooyin Amni ay lasoo darseen.

Habeeno kahor waxaa Magaalada Boosaaso Xero Qaxooti lagu dilay Muwaadin Yemeni ah, waxaa dilkaas ka dambeeyay Waardiyaha Xerada.

Ninka la dilay ayaa kasoo cararay Colaadda Yemen gaar ahaan Magaalada Xudeyda, rajadii uu Soomaaliya u yimid ayaa ahayd in uu helo Amni dhaama tan Magaaladii uu kasoo tagay.

Qof kamid ah Qaxootiga Yemen ee Magaalada Boosaaso ayaa Warbaahinta Dalkaas u sheegay in Dhibaatooyin Nololeed oo ay heysatay ay ugu darantay Mid Amni, cabsine ay lasoo deristay.

Qofkaan ayaa isbar-bar uu ku sameeyay Xaaladda ay kunool yihiin iyo Tan ay ku jiraan Qaxootiga Muqdisho Joogo ku sheegay in ay kala fog yihiin.

Sababta waxa uu ku tilmaamay in aan Jirin waxyeelo loo geysto ama Hadalo Qalbigooda dhaawacayo oo lagu dhaho, waa kuwa Muqdisho kunoolee.

Warbaahinta Warbixinada ka qortay Xaaladda Qaxootiga Yemen waxa ay si Qotada dheer ugu Xog warantay Isbadalada kusoo kordhay, tan iyo Markii ay soo Caga dhigteen Ciidda Soomaaliya, gaar ahaan Maalmahaan Dambe.

Qaarkood ayaa door biday in ay dib ugu laabtaan Yemen, sababo isbiirsaday oo ay ugu horreyso Xaaladda Ammaanka, Shaqo la’aanta iyo kuwo kale.

Dallad ay ku mideysan yihiin Qaxootiga Yemen ee Soomaaliya Joogo, war ay soo saartay waxa ay ku dalbatay in si deg deg ah loo fara geliyo, lagana hortago wax waliba oo Khatar ku ah, sida hadalka loo dhigay.

Qaxootiga Yemen waxaa wehliyay Soomaali Muddo kunooleed Dalkaas oo lasoo qaxay, kadib markii ay duqeynta Isbaheysiga Sacuudiga ay saameyn ku yeesheen Dadka shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here