Qeybo ka mid ah Wadooyinka Muqdisho oo xiran

0
120

Qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa Saakay Xiran, waxaana lasoo dhigay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Isgoysyadda Taleex, Soobe,Banaadir, Howlwadaag iyo sidoo kale Wadooyin kale oo Muhiim ah ayaa Saaka xiran sida ay Hiranweyn u sheegeen dadka degaanka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Wadooyinka ku jaray Gawaarida Ciidamada.

Qaar ka mid ah dadka reer Muqdisho oo aan horay u ogeyn xiritaanka Wadooyinka ayaa Saakay kusoo baraarugay Marka ay shaqooyinkooda usoo kaceen , waxaana ay maalayaan lugahooda.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacaya Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayo sanadguurada 75-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galaya Masuuliyiin badan oo ka tirsan Dowlada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo), Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal Ciidan iyo Saraakiil ka kala tirsanaa Hay’adaha ammaanka dalka, waana sababta loo xiray Wadooyinka Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here