Tirada dadka ku dhintey qaraxyadii shalay oo gaartay 20 ruux

0
130

Tirada dadkii ku dhintey qaraxyadii ka dhacay maanta magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay gaareyso labaatan ruux halka afartan kalana ay ku dhaawacmeen.
Qaraxyada ayaa muddo aanan kala fogeyn waxa ay ka kala dhaceen agagaarka Tiyaatarka Qaranka oo aad ugu dhow madaxtooyada iyo fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Khasaaraha ayaa la sheegay inuu intiisa badani ka dhacay agagaarka Tiyaatarka oo ah halka uu ka dhacay qaraxa hore.

Dadka dhintay waxa ku jira Allaha u raxmadee Wariye Cawil Daahir Salaad oo ahaa saxafi rug caddaa ah, kana tirsanaa telefishanka Universal xafiiskiisa Muqdisho.

Inta badan dadka ku geeriyooday qaraxyadan ayaa waxa ay ahaayeen ciidamo waxaana kamid ah toddobo askari oo ilaalo u ahayd guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir.

Waxa sidoo kale dadka dhaawacmey ka mid ah masuuliyiin ay ka mid yihiin xildhibaan Warsame Joodax iyo guddoomiye ku xigeenka dhanka nabad amniga ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here