Tottenham oo 1-dhibic ka heshay Barcelona una soo Baxday wareega 16ka ee Champions League & Inter Milan oo Tartanka isaga hartay!

0
133

Kooxda Totenham ayaa iska xaadirisay wareega 16ka ee Champions League kadib bareejo ay ku qabatay kooxda Barcelona ciyaartii ka dhacday Camp Nou.

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 7-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu gool qurux badan u dhaliyay xiddiga garabka uga ciyaara ee Ousmane Dembele kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kulanka ayaa wixii intaas ka dambeeyay labada kooxoodba isku dayeen in ay dhaliyaan goolal iyaga oo samaynayay fursado halis ah oo lagu dhalin karo goola.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Barcelona 1/0 ku hogaaminayso labada kooxoodbana soo bandhigeen ciyaar isku dheeli tiran.

Daqiiqadii 85-aad ayay kooxda Tottenham dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lucas Moura kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Bar-barahaas ayaa la macno ah in ay kooxda Tottenham sidaas ugu soo baxday wareega xiga ee 16-ka ee tartanka champions league iyaga oo raacay kooxda Barcelona.

Dhanka kale kooxda Inter Milan ayaa tartanka ka hadhay una dhaadhacday Europa League kadib markii ay bar-baro la gashay kooxda PSV Eindhoven kadib 1/1 ay ku kala bexeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here