Ururka Midowga Afrika Oo Ansixiyey Qorshaha AMISOM Ee Dagaalka Al-Shabaab Ee Jubbada Dhexe

0
154

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika (The African Union Peace and Security Council) waxay ansixiyeen Qorshe Hawlgal cusub oo ay Ciiddanka AMISOM ku qaadi doonaan Degaanadda ay Alshabaab kaga sugan Goballadda J/hoose iyo J/dhexe.

Qorshahaasi ayaa la sheegay inay Ciiddanka AMISOM bilowga sannadka soo socda ka bilaabi doonaan Gobalka J/dhexe, waa sida lagu sheegay Bayaan ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Afrika (PSC).

Goluhu waxa uu bishii November 30-dii ee sannadkan ansxiyey  Hawlgalka Wadajirka ee ay Ciiddanka AMISOM, kuwa DFS iyo kuwa Maamulka Jubbaland sida wadajirka ah uga bilaabi doonaan Jubbooyinka.

Dhinaca kale, Afhayeenka AMISOM, Kolonel Richard Omwega waxa uu sheegay in Hawlgalka cusub qeyb ka yahya Qorshaha Xilliga KMG ee Somalia ee lagu doonayo in Ciiddanka Somalia lagu wareejiyo mas’uuliyadda Ammaanka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Dukumentiga Hawlgalka waxaa la doonayaa in laga ansixiyo Ururka Midowga Afrika iyo Saraakiisha sars are ee Difaaca ee Dowladaha ciiddamadda ka joogaan Somalia, ka hor inta aan hawlgalka lagu dhaqaaqin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here