WAR DEG DEH Ah:.Dagaal Xoogan oo ka Qarxay Deegaano Hoos Taga Degmada Maxaas Ee Gobolka Hiiraan

0
304

Dagaal udhaxeeyo labo maleeshiyo beelled ayaa ka qarxay Deegaano hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Halkaasi oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka taagneeyd xiisad u dhaxeeyso labadan maleeshiyo beellod.

Dagaalka ayaa qarxay galabta waxaana warar hordhac ah oo ay Radio hiiraanweyn heshay ay sheegayaan in dagaalka uu yahay mid aad u culus.

Degmada Maxaas ayaa waxaa ku sugan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar iyo Saraakiisha Ciidamada xooga dalka oo halkaasi u tagay sidii dagaalkaasi loo joojin lahaa .

Maleeshiyada Deegaanadaasi ku dagaalamaya ayaa kasoo kala jeedo Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waxaana Horay u dhax maray dagaalo Sababay dhimasho iyo dhawac badan waxaana wali lagu guuleysan in xal rasmi ah laga gaaro Dagaalaasi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here