WAR DEG DEH AH : Gudoomiye Kuxigeenkii Degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan Oo Lagu Dilay werar dhabo gal ah

0
355

Maleeshiya Beeleed hubeysan ayaa weeraray gari uu la socday Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere)

Guddoomiyaha la dilay ayaa waxaa wadada u galay maleeshiyo beeleed hubeeysan oo kasoo jeeda gobolka galdauud waxaana uu u socday Magalada Baladweyne,isaga oo ka yimid  degmada Maxaas oo uu waan waan nabadeed ka waday dagaalo halkaasi ku dhaxmaray beelo wada dega deegaano ka tirsan degmada maxaas.

Inta la xaqiijiyay Saddex askari oo ka mid ah ilaaladiisa ayaa lagu dilay weerarkaas,sida ay Idaacada hiiraanweyn u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle iyo dadka deegaanka.

Maleeshiyaadka dilay gudoomiyaha iyo ilaaladiisa ayaa meesha kaga tagay meeydadka oo kaliya waxana ay horay u kaxeeysteen gaarigii gudoomiyaha iyo hubkii ay wateen askarta la socotay gudoomiye ku xigeenka matabaan waxana sida la sheegay ay la aadeen gobolka galgaduud oo ay maleeshiyada dilka fulisay kasoo jeedaan waxaana arimtan loo aaneynayaa in ay ku saleysantahay aano qabiil.

Dilka gudoomiye ku xigeenka degmada matabaan ayaa imaanaya xili ay xiisad colaadeed ka jirto deegaano ka tirsan degmada maxaas ee gobolka hiiraan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here