Xildhibaannadii ka tanaasulay Mooshinkii Madaxweynaha oo baaq soo saaray

0
206

Xildhibaannada la baxay Kudlada Badbaado Qaran ee Golaha Shacabka ee ahaa kuwii Mooshinka ka keenay Madaxweynaha ayaa war murtiyeed soo saaray, kaasoo ay uga hadlayaan qodobo badan, kaddib markii ay ka tanaasuleen Mooshinkii ay 9-kii bishan ka gudbiyeen Madaxweynaha ee shalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka si rasmi ah u shaaciyay in laga tanaasulay.

Xildhibaannada Kudlada ku jira ayaa ku mideysan Xisbiyo siyaasadeed oo kala ah Nabadda, Himilo, Ilays, UPD iyo kuwa kale, waxaana ay sheegeen inay qiimeeyeen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhowris la’aanta sharciga ee hoggaanka talada hayan, iyagoo caddeeyay inay u tureen isla markaana u tanaasuleen danta, dadka iyo dalka Soomaliyeed, kaddib dadaal uu Guddoomiyaha Golaha Shacavka ku bixiyay soo jeedinta Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha lagu xaliyo wada hadal.

Waxaa Xildhibaanada ay qodobo iyo talooyin u soo jeediyeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyagoo ka dalbaday inay fuliyaan.

Qodobada ay soo jeediyeen ayaa waxaa ka mid ahaa in la dhowro Madax banaanida Baarlamaanka Federaalka, isla markaana la joojiyo wax kasta oo faragelin ah oo ka hor istaagi kara in si hufan ula xisaabtamaan Laanta Fulinta, in Xukuumadda dhowrto Xuquuqda Dastuuriga ah ee Muwaadiniinta ay u leeyihiin inay ra’yigooda u cabiraan si nabad ah.

0