Xildhibaano Walaac ka muujiyay Mushaaraadka Wasiiradda dowladda

0
191

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa walaac ka muujiyay Mushaaraadka ay qaataan shaqsiyaadka qaar ee ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay inta badan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay doonayaan  Wasiir ama Wasiir ku xigeen si ay u helaan dhaqaallo badan.

Xildhibaanka ayaa soo jeediyay in dib loo eego Wasiir ku xigeenada Xildhibaanada ah, kuwaasoo qaata lacag dhan 7200 kun oo dollar.

Waxaa ugu baaqay Xildhibaanada in dib loo eego Lacaggaha ay qaataan Wasiiradda Xildhibaanada ah.

Waxa kale oo uu sheegay Xildhibaan Jeesoow in dowladda hada jirta aysan weli wax shaqaalo ah qoran, taasina ay ceyb ku tahay dowladda sida uu sheegay xildhibaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here