Booliska Kenya oo shaaciyay magaca iyo da’da qofkii isku qarxiyay Hotelka DusitD2 Magaalada Nairobi.

0
263

Booliska Dalka Kenya ayaa shaaciyay magaca iyo da’da qofkii isku qarxiyay Hotelka DusitD2 ee Magaalada Nairobi.

Warbixin ay soo saareen Booliska ayey ku sheegeen magaca Qofka is qarxiyay Maahir Khaalid oo  25 jir ah,kana soo jeeda Mombasa.

Waxaa uu Magaalada Nairobi tagay 13ka Bishan, labo maalmood ka hor weerarka,waxaana uu ahaa qofkii ugu horreeyay billaabay weerarka.

2015kii ayuu dib u degay Soomaaliya,halkaas oo la xaqiijiyay in uu ku qaatay tababarka iyo xubinnimada AL-shabab.

Waxaa uu ka mid ahaa Garabka Al-shabab ee Kenya ee loo yaqaan Jeysh Al-Ayman,kaas oo muddo dheer u dagaallamayay Al-shabab.

Maahir Khaalid ayaa tagay Hotelka isaga oo la xiriirayay Ninka hoggaaminayay kooxd oo isna lagu magacaabo Ali Salim Gichunge..

Warbixinta Booliska waxaa lagu sheegay in lixda qof ee Hotelka weerartay ay ka kala yimaadeen degaanno kala duwan qaarkoodna aysan is aqoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here