Chelsea oo SAACADAHA soo socda Dhammeystireysa Saxiixa Weeraryahan Cusub iyo Alvaro Morata oo……

0
300

Chelsea ayaa saacadaha soo socda Dhammeystiri karta Saxiixeedii labaad ee Suuqan Janaayo.

Blues ayaa la soo wareegtay Christian Pulisic iyadoona durbadii dib ugu celisay Dortmund halkaa uu amaah ku joogi doono inta ka harsan kal ciyaareedka Cusub.

Yeelkeede, kooxda reer London ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda dhammeystirto saxiixa Weeraryahanka Juventus ee amaahda ku jooga AC Milan Gonzalo Higuain.

Warsidaha Caanka ah ee Marca ayaa sheegaya in Higuain uu qodobo kala heshiiyay Chelsea iyadoona heshiiskiisa la dhammeysitiri karo isla maanta.

Kooxda Sarri ayaa ku qasban inay usbuuciiba mushaar ahaan u siiso 140,000 oo bound weeraryahankii hore ee Real Madrid iyo Napoli.

31-jirka reer Argentina ayaa jabiyay rikoodhka gool dhalinta horyalka Serie A mar uu Sarri macalin ugu ahaa Napoli kal ciyaareedkii  2015/16.

Imaanshiyaha Higuain ayaa ka dhalan karta in Alvaro Morata amaah lagu siyo kooxda Sevilla ee horyaalka La Liga inta ka harsan kal ciyaareedkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here