Ciidamada Booliska Baladweyne Oo Fashiliyay Qarax La Dhigay Wado Aad U Mashquul Ah Bartamaha Baladweyne

0
245

Ciidamada booliska baladweyne ayaa fashiliyay qarax la dhigay wado aad u mashquul badan oo ku taala bartamaha magalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.

Abaro kowdii duhurnimo ee manta ayaa  qarax la dhigay darbiga saldhiga booliska baladweyne ku qarxay kaas oo an wax khasaaro ah aan sababin isla waqtigaas ayaa ciidamada boolisku ka war heleen qarax kale oo la dhigay wadada hareeraheeda waxaana ciidamada booliska qeybta miino barista ku guuleeysteen in ay fashiliyaan oo ay kala furaan

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada booliska baladweyne shacabka baladweyne ayeey ugu baqeen in ay kala shaqeeyaan sugida amaanka baladweyne

Ilaa afar qof oo looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen dhacadaan ayeey ciidamada booliska baladweyne kusoo qabteen howlgalo ay sameeyeen

Maalmo ka hor ayeey aheyd markii qarax lala beegsaday guri ay daganayeen dad shacab ah kaasoo qasaaro dhimasho iyo dhaawacba sababay mana jirto cid loo soo qabtay dhacdaasi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here