Ciidamada Maraykanka oo duqeyntii ugu horeeyay sanadkan ka fuliyay gobolka Bay

0
102

War saxaafadeed ka soo baxay ciidamada u qaabilsan Maraykanka qaarada Afrika ee Africom ayaa sheegay in duqeyntii ugu horeysay ee sanadkan ay ka fuliyeen gobolka Bay.

Duqeyntan ayay ciidamada Maraykanku sheegeen in ay ku dileen toban ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

“Waxaan qiimeyneynaa in dad rayid ah aysan ku dhiman duqeyntan,”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Africom.

Duqeyntan ayay  ciidamada Maraykanku fuliyeen 2dii bishan iyadoo ay ku sheegeen in duqeyntan  ay ka dhacday meel ku dhow deegaan lagu magacaabo Dheerow Sanle.

Duqeymaha ciidamada Maraykanka ka geysanayaan deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa  korortay sanadkii la soo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here