{DAAWO SAWIRADA} Guri Qoys Soomaali Ah Ay Ka Degan Yihiin Manchester Oo Hawlgal Laga Fuliyey

0
152

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa magaalladad London ayaa qoray inay Saraakiil ka tirsan Boliska La-dagaalanka Argagixisdda ay baaritaan ku sameeyeen Dhismo ay deggan yihiin Qoys Soomaali ah oo ku yaalla magaalladda Manchester.

Saraakiisha oo la hadlay dadka deriska la ah qoyska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay rumeysan yihiin yihiin inay Qoys Soomaali ah deggan yihiin.

Dadka deriska waxay kaloo sheegeen inay Qoyskaasi leeyihiin 4 ilaa 5 carruur ah, kuwaasi oo ku-dhawaad 12-sanno degganaa dalka Britain, iyagoo horey uga  soo guuray dalka Holland.

NOUSHA BABAAKACHEL  oo deris la ah Guriga ay Ciiddanka baareen ayaa u sheegtay Wargeyska Daily Mail inay Qoyska Soomaalida la nool yihiin  gabar iyo 2 Wiil oo ay dhaleen, mid uu dhigto Jaamacadda, halka midka kalena uu ka shaqeeyo Garoonka Diyaaradaha ee Manchester.

Waxay intaasi ku dartay in Wilka ugu yaraa qoyskaasi uu dib ugu laabtay Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Boliska Manchester weli ma aysan shaacinin sababaha loo beegsaday Qoyskaasi, balse waxa uu hawlgalkaasi ku soo beegmay, iyadoo ay Boliska Manchester  sheegeen inay  gacanta ku dhigeen qabteen Nin 25-jir ah,  kaasi oo 3 qof dhaawacay habeenkii loo dabaal degayey sannadka cusub ee  tirsiga Miilaadiyadda ee 2019-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here