{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaaare Ku-Xigeenka Dalka Oo U Dhoofay Dalka Jordan

0
188

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta u dhoofay dalka Jordan oo uu uga qayb galayo shir ay leeyihiin madaxda wadamada Carabta oo looga hadlayo Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka.

Shirkaan oo diiradda lagu saarayo hanaanka wadamada Carabtu isaga iskaashanayaan hagaajinta deegaanka iyo arrimaha la xariira is-bedelka cimilada aduunyada ayaa waxaa sidoo kale ka qayb gelaya hey’adaha caalamka ee ka shaqeeya deegaanka iyo is-bedelka cimilada aduunyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here