{DHAGEYSO} Maamulka gobolka banaadir Oo ka hadlay Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha

0
110

Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabkii xalay ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, islamarkaana ay ku yaallaan ganacsiyo kala duwan.

Dabka ayaa ka kacay qeybta Hudheyda dukaan yar oo ku yaalla, waxaana uu gaaray ilaa iyo qeybta Maacuunta oo ku dhegan Suuqa Khaliifa.

Gaadiidka dabdamiska Shirkaddaha sidda gaar ah loo leeyahay iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa goor dambe ku guuleystay in ay dabka damiyaan.

gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada maamulka gobolka banaadir ayaa waxa uu sheegay in lagu guulestay daminta dabkaasi

Ilaa iyo haatan lama oga khaasaraha rasmiga ah ee dabkaasi ka dhashay balse waxaa wali socda Baaritaano kala duwan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here