FAAH FAAHIN Weerar dhimasho badan geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho

0
102

Qarax loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa caawa lagu weeraray xarunta laanta Horseed ee degmada Yaaqshiid,  Magaalada Muqdisho, kaasoo dhaliyey qasaare dhaawac iyo dhimasho Sida ay wararka shegayaan

Weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay  qasaaro dhimasho iyo dhawac kuwaas oo aan wali la so xaqiijin tirada dhimashada iyo dhawac

 

Dadkii bambaanooyinka ku tuuray mid ka mid ah laamaha ay ka kooban tahay degmada Yaaqshiid ayaa sida la sheegay Goobta ka baxsaday,waxaana sida caadada aheyd gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo howlgallo ka wada.

 

Weerarkaan Bambaano ee Caawa ka dhacay Yaaqshiid ayaa kusoo aadaya xilli saakay degmada Waaberi weerar Bambaano uu ka dhacay kaas oo aan geysan wax khasaaro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here