Madaafiic ku dhacday agagaarka xarunta Xalane Magaalada Muqdisho

0
140

Tiro madaafiic ah ayaa waxa ay ku dhaceen degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka xarunta ciidamada AMISOM ee Xalane.

Sida ay saxaafada u xaqiijiyeen dadka deegaanka illaa shan madfac ayaa ku soo dhacday gudaha degmada Wadajir gaar ahaan agagaarka xerada Xalane halkaa oo ay ku taal safaarada Maraykanka isla markaana ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ay geysteen madaafiicdan oo la aaminsan yahay inay soo tuureen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dhowaan ayaa Dowlada Maraykanka waxa ay ugaga digtey dadka haysta dhalashadooda booqashada dalka Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goor dambe meelo kamid ah goobaha ay madaafiicdaasi kusoo dhaceyn waxa ayna ka wadaan howgallo lagu ogaanayo hadii ay jiraan khasaaro ka dhashay iyo halka laga soo tuuray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here