Nicholas Haysom oo Golaha amaanka ee QM ka jeediyey Warbixin ku saabsan Somalia

0
247

Wakiilka QM ee Somalia Nicholas Haysom ayaa ka hadlay fadhi uu Magaalada New York ku yeeshay golaha amaanka ee QM kaasoo looga hadlay xaalada Somalia.

Heysom ayaa sheegay inuu la dhacay qorsheyaasha isbaddalada waqtiga dheer ee Xukuumadda iyo sida ay uga go’antahay inay u fuliso qaab ficil ah.

Soomaaliya ayuu sheegay in ay u socoto dhanka Wanaagsan, balse isku dhacyada siyaasadeed ay u keeni karaan in ay waddadaas si lama filaan ah uga weecato.

Waxaa uu intaas ku daray in Isbaddalada Maaliyadda iyo ballaarinta dakhliga ay ka dhigan tahay in boqolkiiba 56 miisaaiyadda dawladda federaalka ah ay ka imaanayso dakhliga gudaha oo gaaraya 340 milyan kaasoo sanadka 2019 halka inta kalena ay bixin doonaan deeq bixiyeyaasha.

Xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia  ayuu ku amaanay dadaallada la dagaallanka musuqmaasuqa, ayna ka mid tahay in xukuumaddu ay 9-kii December ku dhawaaqday in ay saxiixdo heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaallanka musuqmaasuqa.

Arrimaha asaasiga ah ee dib u dhiska dalka ayuu ku sheegay in ay kamid yihiin, arrimaha doorashooyinka, dib u eegiska dastuurka, hirgalinta federaalka iyo dib u heshiisiinta, wuxuuna xusay in iyadoo jiraan isbaddalladaas wanaagsan in ismariwaaga u dhexeeya dawladda federaalka ah iyo dawladaha xubnaha ka ah federaalka uu curyaaminayo in la garto nooca federaal ee uu dalku qaadanayo.

Waxa uu tusaale u soo qaatay doorashadii dawlad goboleedka Koonfur Galbeed, oo uu sheegay in eedaymaha la xiriira faragalinta dawladda federaalka ah iyo rabshadaha halkaas ka qarxay ee ka dhashay xariggii ku xigeenkii hore ee Alshabaab aanay wanaag u horseedayn doorashooyinka kale ee mustaqbalka ka dhacaya gobollada kale.

Waxa uu sheegay in uu ka xun yahay 15-kii qof ee ku dhintay rabshadahaas uuna ka mid ahaa xubin kamid ah baarlamaanka Koonfur galbeed.

Waxa uu si xooggan u canbaareeyey weerarkii hoobiyaha ahaa ee lagu qaaday Xaruntooda Muqdisho laba maalmood kahor

Al-Shabaab ayuu sheegay in ay wali tahay halka ay khatarta ugu wayni uga imaanayso Soomaaliya, isagoo Dhanka kale xusay in dhibaatooyinka gargaarka bini’aadannimo ee ka jira Soomaaliya ayuu sheegay in ay tahay tan ugu adag dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here