Ra’iisul Wasaare somaliya Xasan Cali Khayre, Oo Kormeer Ku Tegay Lix Wasaaradood

0
134

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray wasaaradaha Warfaafinta, kalluumaysiga, Haweenka, Ganansiga, Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha.

Ra’iisul wasaaraha oo kormeerka sameeyay subaxnimadii hore ee maanta ayaa tegay waaxyada ay ka koobanyihiin wasaaradaha, isaga oo shaqaalaha iyo agaasimayaasha ka xog-waraysatay hannaanka shaqooyinku ay u socdaan.

Kormeerka oo qayb ka ah hawlaha kor-joogteynta ee lagula socanayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda ayaa u jeedadiisu ahayd adkaynta isla xisaabtanka ku salaysan daah-furnaanta iyo hufnaanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here