SONSA oo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo tacadiyadii Baydhabo

0
143

Kullan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku mideysan dallada bulshada rayidka ee SONSA oo horay loo oran jiray SOCENSA, ayaa laga soo saaray bayaan lagaga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana dowladda loogu baaqay in ay baaritaan ku sameyso tacadiyadii Baydhabo ka dhacay.

Bayaanka kasoo baxay kullankooda ayaa waxaa uu u qornaa sidatan:

“Dallada oo ka duulaysa ixtiraamida madax banaanida iyo karaamada Dalka, una  kuurgalaysa saamaynta ay keeni karto khilaaf iyo jahwareer saamayn ku yeealan kara dhismaha, xasiloonida  iyo horumarka Dalaka.

Dalladu, waxa ay adkeyneysaa, soona  jeedinaysaa talooyinkaan hoos ku xusan;

Iydoo Dalku hiigsanaayo horumar, waxaa laga maarmaan ah  in khilaafyada siyaaseed ee wax u dhimi kara xasiloonida iyo horumarka dalka lagu dhameeyo wadahadal iyo is faham.

Bulshada rayidka ah waxaa ay aaminsantahay in ay yaraanayaan fursadaha muwadiniinta Soomaaliyeed ku cabiri karaan fikradahooda si xor ah, waxa ayna u arkaan in ay waajib tahay in la balaariyo fursadahaas si ka qayb galka dhismaha wadanka uga qaataan kaalin  fir fircoon

Dowlada Federaalka iyo Maamul Gobaleeyada Dalka waa in ay ixtiraamaan saraynta sharciga, xuquuqul insaanka iyo xoriyaadkaa muwaadininta Soomaaliyeed, ayna soo dhaweeyaan aragtiyada iyo dhaliilaha wax dhisaya

Dowlada Federaalka, Maamul Gobaleedyada iyo Mucaaradka aan hubeysanayn , waxaa waajib ku ah  in ay la yimaadaan nidaam  horseedaya xasilooni siyaadeed oo ku dhisan dulqaad iyo isla xisaabtan.

Bulshada rayidka ah waxa ay u argataa laga maarmaan in la magacaabo  guddi madax bannaan oo  soo baara tacadiyada lidka ku ah xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed , gaar ahaan kuwii ugu dambeeyay ee ka dhacay Baydhabo iyo Baardheere, lalana xisaabtamo cid kasta oo ka dambeysay.

Ugu dambeyntii Dalladdu waxa ay  usoo jeedinaysaa Maamul Gobleedyada Dalka in ay ixtiraamaan madax banaanida iyo karaamada Dalka iyaga oo dhowaraya Dastuurka iyo shruucda kale ee Dalka u yaala”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here