Taliye cusub oo loo Magacaabay Howlgallada ka dhanka ah Shabaab

0
165

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur ayaa taliye cusub u Magacaabay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu waddo in ay dhawaan ka bilaabaan gobolka Jubadda dhexe.

Taliyaha ayaa lagu Magacaabo Axmed Jaamac Salaad , waxaana uu hoggaamin doonaan howlgallada xoreynta gobolka Jubadda dhexe sidda uu sheegay Wasiirka Amniga Jubbaland oo Warqaddaan soo saaray.

Jubbaland ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee Shabaab looga saarayo gobolka Jubadda dhexe oo ay dhammaantiis gacanta ku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here