Xildhibaan Fiqi oo Si kulal uga Hadlay Tababarkii Laga Joojiyay Xisbiga Wadajir

0
209

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar sii horesay waxa ay isku gadaameyan dhismaha mid kamid Hoteelada Muqdisho ku yaalla, halkaasi oo uu Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ku qaban rabay Tababar ku saabsan Siyaasada.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa falkaasi waxa uu ku tilmaamay in uu yahay mid lagu caburinayo xisbiyada ay hogaamiyaan siyaasiayiinta ka aragtida duwan madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Waxaan cambaaraynayaa falka aan habdhaqanka dimuqraadiyadda iyo shuruucda xisbiyada ka midka ahayn ee maantay lagula kacay Xisbiga Wadajir oo ciidamo xafiisyada madaxda sare ee dalka laga soo diray ay is-hortaag ku sameeyeen Hawl ay ku qabsan lahaayeen Hotel Makka Almukarrama” ayuu ku sheegay bartiisa Facebook Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

Waxaa uu is weydiiyey “sababta keeni karta in ciidamo intaas le’eg la soo kiciyo, oo hotel nabad ah lagu dul wareejiyo, ma hawshii ciidamada dalka lagu aqoon jirey ayaa is bedshay mise sharciyadii ciidamada booliiska lagu yaqiinay ayaa la bedelay? ciidamadu waa in aysan siyaasadaha dalka ka jira aysan ku milmin, mar walbana waa in ay u dhexeeyeen siyaasiyiinta”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here