Xildhibaan Odawaa oo ku eedeeyay dowladda Federaalka inay hor-istaagtay Mashaariic laga fulin lahaa Galmudug

0
162

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo dhowaan kormeer ku tagay deegaano ka tirsan Galmudug ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, isagoo shir jaraa’id oo uu maanta qabtay kaga warbixiyay xaalada ka jirta deegaankaas.

Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in muddo todobaad uu ku sugnaa Galmudug, isla markaana uu tagay magaalooyinka Cadaado, Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo deegaano kale, waxaa uu tilmaamay in dadka deegaanka iyo Madaxda uu kala soo hadlay arrimo badan iyo cabasho ay u soo gudbiyeen sida uu yiri.

“Lixdii bil ee la soo dhaafay miisaaniyaddii loogu tala galay Galmudug, dowladda Federaalka ma aysan siin waa ay goosatay, sidoo kale waxay hor-istaagtay mashaariicdii horumarineed ee deegaanka laga fulin lahaa”ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale uu u sheegay in Galmudug laga xanibay mashaariic horumarineed oo ku baxeysay 1.5 milyan oo dollar, kuwaasoo ka imaan lahaa hey’ado caalami ah sida uu hadalka u dhigay.

“Anaga iyo dowladda Federaalka ma aheyn inaan isku khilaafno mashaariicda horumarineed iyo in loo adeegsado arrimo siyaasadeed, waa wax la xiriira naf iyo qutul yowm, kursiga shalay waa la joogay berri kuwa kale ayaa joogi doona, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaa u sheegayaa,  kursiga si kaloo badan loo difaaci karo jirtee, haweenka, carruurta iyo dadka ooman wixii yar ee adduunka u soo qoondeeyay kuma difaacmee, siyaabo kale oo badan haloo difaaco kursiga”ayuu yiri C/raxmaan Odawaa oo deegaanada uu ku matalo kursiga Baarlamaanka ka hirgeliyay mashaariic horumarineed ay ka mid yihiin ceelal biyoodyo ay dadka deegaanka aad ugu baahi qabeen.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha aad loogu hanweynaa, maadaama deegaanka ay matalaan, isla markaana ay aheyd inay dadka dhex fariistaan, isagoo xusay in qof walba uu yeelan karo dano siyaasadeed, balse aan loo baahneyn in la siyaasadeeyo arrimaha horumarinta oo uu xusay inay cid walba ay dan ugu jirto.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inuu la wadaagi doono wixii uu ku soo arkay deegaanka Xildhibaanada Federaalka iyo senatarada laga soo doorto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here