{DAAWO SAWIRADA} Booliska Jubbaland Oo Lagu Wareejiyay Qalab Ciidan oo Muhiim u ah

0
166

Ciidamada Booliska AMISOM ayaa Maanta qalab Ciidan waxa ay ku wareejiyeen Ciidamada Biooliska dowlad Goboleedka Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.

Qalabkaan lagu wareejiyay Booliska Jubbaland ayaa waxaa kamid ah Qalabka miino barista, qalabka isgaarsiinta, Computaro iyo agabyo kale oo muhiim u ah Ciidamada maamulka Jubbaland.

Goobta ay ka dhaceysay Qalab wareejinta ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan AMISOM,Saraakiisha Ciidamada Booliska Jubbaland iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda amniga maamulkaasi.

Jubbaland ayaa AMISOM uga mahadcelisay Qalabkaan ee Maanta ku wareejiyeen Ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here