{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Biixi oo Faah Faahiyay Wadahadala Somaliland Iyo Somaliya

0
137

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhoweeyey magaalada Dilla ee gobolka Awdal, waxaanu dadka uga waramay halka ay kala taagan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya iyo kulmadii uu la yeeshay Ra’isal wasaaraha Itoobiya.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in aanu marna kaa bixi Karin dastuurka Somaliland oo qodobkiisa kowaad sheegayo in arrimaha masiiriga ah aanu madaxweyne iyo Baarlamaan waxba ka bedeli Karin, balse shacabka uun wax ka bedeli karaan, haseyeeshee waxa uu sheegay in Dastuurka Soomaaliya wali qabyo yahay oo aanay jirin meel shacabku ugu codeeyeen, taasina ay sabab u tahay inuu madaxweynahoogu sida uu doonno u dhaqmi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here