{DAAWO SAWIRADA} Dad badan oo ku dhintay DAB ka dhashay Dhaka, Bangaladhesh

0
143

Ugu yaraan 70 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen dab xoogleh oo xalay saqdii dhexe qabsaday guryo ku yaal magaalada Dhaka ee caasimada dalka Bangaladhesh.

Dabkan ayaa la sheegay inuu markii hore ka dhashay daar 4 dabaq ah kadibna si fudud ugu fiday guryo kale oo ka ag dhawaa, waxaana gebi ahaan burburay qaar kamid ah guryaha uu dabka gaaray.

Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay sare u kacdo iyadoo ay hada isbitaalada yaalaan ugu yaraan 50 qof oo dhaawac ah oo qaarkood la sheegay inay ay xaaladoodu culustahay.

Sida ay baahinayaan qaar kamid ah saxaafada dalkaasi; guryaha uu dabkan qabsaday ayaa la tuhunsan yahay inay taalay sunta kemikalka oo sii kicisay dabkaasi burburka baaxadaleh geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here