{DAAWO SAWIRADA} Duqeyn dad rayid waxyeelo ka soo gaartay oo laga fuliyay deegaanka Kuunya Barow

0
168

Al Shabaab ayaa soo bandhigay Sawirada Duqeyn Diyaaradaha dagaalka Mareykanka xalay ay ka gaysteen deegaanka Kuunya Barow ee Gobolka Shabellaha hoose.

Duqeyntaan ayaa waxa ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo ku sugnaa deegaanka Kuunya Barow, waxaana ku dhintay Macalin Dugsi Qur’aan & ilmo yar oo laba sano aanan gaarin.

Warbaahinta Shabaab ayaa waxa ay soo bandhigeen maydka ilmaha yar ee duqeynta ku dhintay & macalinka Dugsi Qur’aanka, sidoo kalena waxaa dhaawac uu ka soo gaaray duqeyntaasi haweenay iyo wiil kale oo yar.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegay duqeyntaasi in lala eegtay Xubno ka tirsanaa Shabaab oo lagu beegsaday deeganada la duqeeyay.

Inkastoo duqeynta ay ka dhacday deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, ayaa haddana Khasaaraha rayidka soo gaaray ay tahay dhimashada labadaasi ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here