{DAAWO SAWIRADA} Howlgal lagu soo saaray Miinooyin oo laga sameeyay Jubbada Hoose

0
165

Howlgal ay siwadajir ah u sameeyeen Ciidamada xoogga dalka oo ay wehlinayeen ciidamada Jubbaland ayaa waxa ay ku soo saareen miinooyin lagu aasay Wadooyin ka mid ah kuwa Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxa ay sheegeen in howlgalka intiisa badan laga sameeyay deegaano ku dhow degmada Jamaame,sigaar ah inta u dhaxeysa deegaanada wadada koban iyo Kamsuuma ee Gobolka Jubbada hoose.

Waxa ay sheegeen in halkaasi ay kasoo saareen Miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen wadooyinka,isla markaana ay doonayeen in dadka Shacabka ah ku dhibaateeyaan sida ay hadalka u dhigeen.

Wararka kale aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada xoogga dalka oo ay wehlinayaan ciidamada Jubbaland ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan deegaano hoostaga degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada hoose.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here