{DAAWO SAWIRADA} Kulan loogaga hadlayay dhismaha Golaha Deegaanka oo maanta lagu qabtay magaalada Jowhar Wax Ka Ogow

0
106

 

Kulan looga hadlaayay nidaamka maamul daadajinta iyo dhismaha golaha deegaanka maamulka Hirshabeelle oo ay soo qabanqaabisay wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar.

Kulankaan waxaa kaso qeybgalay qaar kamid ah Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle,xildhibaano, duqa magaalada Jowhar iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool magaalada Jowhar.

Ujeedada kulanka ayaa lagu sheegay in loogu talagalay wasaaradaha ay quseyso dhismaha golaha deegaanka sida Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada, Wasaarada Warfaafinta, Wasaarada Macdanta iyo Biyaha, Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasaarada Haweenka Maamulka Hirshabeelle.

Masuuliyiintii kaso qeyb gashay kulanka ayaa ku booriyay ka qeybgalayaasha iney si wanaagsan uga faa’iideystaan waxyaabaha lagu soo bandhigaayo kulanka maadaama ujeedada laga leeyahay kulanka ay tahay in bulshada dib loogu celiyo awooda si ay u soo doortaan qofka masiirkooda ay ku aamini lahaayeen.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Haweenka iyo daryeelka bulshada Maamulka Hirshabeelle xildhibaan Xaliimo Cali Saciid ayaa ku boorisay haweenka iney qeybtooda ka qaataan dhismaha golaha deegaanka maamulka Hirshabeelle.

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee hirshabeelle xildhibaan Cabdulaahi Cosoble Barre oo soo xiray shirka ayaa sheegay in muhiimada ay tahay in wasaarada ay marwalbo taageerto qoondada haweenka ee dhismaha golaha deegaanka islamarkaana bulshada lagala tashado nidaamka ladoonayo in loo dhiso golaha deegaanka loona baahanyahay in la dedejiyo dhismaha golaha deegaanka si maamulka dowliga ah loo gaarsiiyo bulshada meel walba ay kaga nool yihiin Hirshabeelle.

Kulanka oo ahaa mid hal maalin soconaayay ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabeelle kaas oo ku aadan dhismaha Golaha Deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here