{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Deni oo qaabilay Safiirka Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya

0
167

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay safiirka dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Ambassador Andreas Von Vexkull iyo xubno uu hogaaminayey.

Deni waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiiru dowlaha madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Kulankan oo ay qayb ka ahaayeen madax ka socotay hay’adda Diakonia oo uu hogaaminayey Xog-hayaha guud ee Diakonia Mr. Georg Andren iyo madaxa Africa ee Diakonia Johan Romera ayaa looga hadlay mashaaricda ay ka fuliso dowladda Sweden Puntland oo ay fududeeyaan hay’addaha Qaramada Midoobey, sida barnaamijyada caafimaadka, horumarinta haweenka iyo Horumarinta Ganacsiga

Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa kulan gaara oo ay yeesheen kadib shir jaraa’iidka oo ay qabteen kaga hadlay arrimaha muhiim ka ah ee ay ka wadahadleen,

Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo dhaweeyey waftiga Puntland, waxaana uu hay’adda Diakonia ugu hambalyeeyey 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay ka shaqo bilowday Puntland.

“Waxaa farxad weyn Inoo ah inaan ku soo dhaweyno Puntland safiirka dalka Swedan iyo hay’adda Diakonia oo booqasho halkaan noogu yimid, in safiirku nagala soo qayb galo iyo Madaxda Diakonia dabaaldegga 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii ugu horeeyey ee Diakonia laga furey Puntland, runtii taariikh weyn bey ku leedahay Puntland waxbadan bay kasoo qayb qaadatay waxbrashada dhalinyarada, Haweenka, Caruurta iyo mashaariicda horumarinta ee inta badan ku salaysnaa dib u hishiisiinta iyo dib u dhiska Puntland.” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa dalka Sweden iyo hay’adda Diakonia uga mahadnaqay garab is taagga ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu si dhaw ula shaqayn doono safiirka iyo Saraakiishan hay’adda Diakonia.

Safiirka Sweden ayaa dowladda Puntland uga mahadceliyey wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa Puntland iyo dawladda Sweden, sidoo kalena waxa uu dowladda Puntland iyo shacabkeedaba ugu hambalyeeyey horumarka baaxadda leh ee ka jira dalka, wuxuu uu bogaadiyey guushii Madaxweynaha ee 08 Janaayo 2019, safiirka ayaa hambalyo u direy Hay’adda Diakonia oo ay u buuxsantay 25 sano guuradii markii ay ka shaqo bilowday Puntland, waxaana uu ugu dambayn safiirku gudoonsiiyey Madaxweyne Deni hadiyad gaara oo ay ku maamuuseen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here