{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xaaf Oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka Gobolka Mudug

0
88

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa Maanta la kulmay Odayaasha dhaqanka Guud ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha oo maalmahan qeyb qeyb ula kulmayay odayaasha dhaqanka ayaa Maanta si Guud ula kulmay waxa uuna kala hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Nabada Magaalada Gaalkacyo la shaqeynta Maamulka.

Kulamadan oo si isdaba joog ah maalmahan Madaxweynaha Galmudug uu la qaadanayay Odayaasha dhaqanka,Dhalinyarada,Haweenka,Ganacsatada iyo Maamulka Degmada ayaa intooda badan waxa looga hadlay Sidii loo sii xoojin lahaa nabada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug iyo in si dhaw loola shaqeeyo Ciidamada Amaanka ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here