{DAAWO SAWIRADA} Puntland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay Koox dooneysay inay ku biirto Daacish.

0
172

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaano dhaca Koofurta magaalada Boosaaso oo ay ku sugan yihiin xubno Daacish ah.

Howlgalka oo ay sameeyeen Ciidamada amniga Puntland ee (PSF) waxaa lagu soo qabtay rag dhalinyaro la sheegay inay doonayeen ku biirida Daacishta ku sugan buuraha Cal-miskaat.

Qoraal lagu daabacay boga Facebook ee Ciidanka PSF ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay saanad loo waday Kooxda Daacish.

“Waxay hawlgal ka sameeyeen Buuraleyda iyo Toggaga Gaaca, Guban iyo Moqor ee Koonfurta Bari ee magaalada Boosaaso, Intii Howlgalkani socday waxay ciidanka PSF soo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo kooxdaas” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale dadka ku nool deegaanada buuraleyda ayaa lagu wargeliyay inay ciidanka u soo sheegaan wixii xog iyo macluumaad ku aadan cadawga ku dhuumaaleysanaya deegaanadaas.

“Ciidanka Amniga Puntland waxay shacabka reer Puntland ugu baaqayaan in ay ciidanka Amniga la wadaagaan wixii xog iyo macluumaad cadow ah,si Puntland looga sifeeyo kooxaha cadowga ah ee Daacish iyo Al Shabaab”ayaa lagu soo gabagabeeyay warka Ciidanka PSF.

Ciidamada amniga maamulka Puntland ma soo bandhigin tirada ragga ay sheegeen iney soo qbateen iyo hadii ay jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay intii uu socday howlgalka lagu soo qabnayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here