{DAAWO SAWIRADA} Wadada Berbera Corridor oo maanta la dhagax dhigay iyo madaxdii ka hadashay

0
320

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa maanta dhagax dhigay jidka isku xidhaya Berbera iyo Wajaale, kaasi oo dhan 250km oo ay maalgalinayso shirkadda DP World.

Munaasibadan balaadhan oo lagu qabtay duleedka Bari ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qaybgallay wufuud ka socota Itoobiya, Imaaraadka Carabta iyo marti sharaf kale,waxaana jidkan si rasmiya loo bilaabaya bisha March 15-keedda.

Wadadan Berbera illaa Wajaalle oo looyaqaan Berbera Corridor waxay dhan tahay 250km, wuxuu soconayaa 22 bilood, waxaana ku bixi doonta 111milyan oo dollar, waxaana mashruucan ku jira toddoba Bariijj iyo madaarkii shacabku isticmaali lahaa ee Berbera, waxaana dhismaheedu bilaabmi doonaa bishan march 15-keedda sida uu sheegay wasiirka Gaadiidka Somaliland Cabdilaahi Abokor.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa soo dhoweeyey dhagax dhiga jidkan, waxaanu yidhi “sidaad la socotaan iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland maaha mid maanta bilaabmay, labadda shacab waa kuwo isku baahan oo wakhti hore bilaabmay, shacabka deegaanka Soomaaliduna waa mid si gaar xidhiidh ula leh Somaliland,”

Madaxweyne Biixi oo isna ka hadlaya muhiimada jidkan leeyahay waxa uu yidhi “Jidkani wuxuu sii xoojinayaa istaarijiyada dhaqaale ee dekadda Berbera, baladhinta dhismaha berbera Corridor mustaqbalka dhow intan laba goor ama saddex goor ka balaadhan baa la samayn doonna marka dekadda la balaadhiyo ee waxa ka soo degaya bato waa la sii kordhinayaa, waxaanay dekadda Berbera ka qaybqaadanaysa tartanka ka dhexeeye dekadaha geeska afrika oo dhan”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Sidoo kale, waxa ka hadlay ku xigeenka maareeyaha guud ee shirkada DPwolrd Sayid oo soo dhoweeyey bilowga jidkan la bilaamayo oo uu sheegay inay muhiim u tahay ganacsiga labadda dal ee Itoobiya iyo Somaliland.

Munaasibadan ayaa si weyn loo soo agaasimay, isla markaana boqolaal dadweyne ka qaybgaleen dhagax dhiga jidkan oo maanta la dhagax dhigay duleedka Bari ee magaalada Hargeysa.

Ka hor inta aanay xafladda tagin madaxweyne Biixi wuxuu madaxweyne Cagjar ku casuumay madaxtooyada, halkaasi oo iska soo raaceen ilaa goobtiti loogu tallogalay in dhagax dhigga lagu qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here