{DAAWO SAWIRADA} Xuska Todobaadka Afka oo lagu qabtay Muqdisho.

0
121

Iyadoo maalmahan lagu jiro xuska afafka aduunyada ayaa iyadana dhankeeda waxa goobo badan lagu qabtay xuska afka soomaaliga, akhriska iyo horumarintiisa.

Xaflad aad loo soo agaasimay ayaa maanta lagu qabtay magaalada muqdisho oo ay soo qabanqaabiyeen Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Muqdisho ayaa aad loogu dhiiri galiyay horumarinta afkeena iyada oo aad loo dul istaagay in wax la qoro lana akhriyo waliba afkeena hooyo si uu u kabco uguna biirin luuqadaha la sheegayo in boqolaal sano ka dib dabar go,ayaan.

Madashan oo kulmisay dad badan waxa hadal kooban ka jeediyay Senator Ayub Ismail Yusuf oo ah xubin dhalin yar kana tirsan aqaka sare isagoo dhiiri galiyay muhiimada wax akhriska iyo qoraalka wuxuna is dultaagay aadna u xasuusiyay dhalinyaradu in ay akhriyaan Dastuurka ka doodaan dadkana u akhriyaan kaas oo noqon doona tiirka koobaad ee dawladnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here