DAAWO: Wareysi kulul Safiirka Mareykanka ee Somalia, Khilaafka Kenya & Somalia, Taagerada Turkiga, Qatar & Dalal kale

0
144

Safiirka Mareykanka ee Somalia Donald Yamamoto oo wareysi siiyay talafashinka Dalsan TV  ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeya dalalka Kenya iyo Somalia, xili xiriirka labada wadan u gaaray meeshii ugu xumeyd isagoo shaaca ka qaaday in dowlada mareykanka ka shaqeyneyso dib usoo celinta xiriirka labada wadan.

Sidoo kale safiirka mareykanka ee Somalia waxa uu sheegay in maalgilinta ay dowladiisu ku bixiso Somalia ay ka badan tahay mid Somalia ay ku bixiyaan dowladaha Qatar, Turkiga, Imaaraadka, Carabta inteeda kale iyo dalalka reer Yurub marka la isku geeyo, isla markaana loo baahan yahay iney ka run sheegan taagerida Somalia.

HALKAN HOOSE KA DAAWO:

Safiirka Donald Yamamoto waxu sheegay in Somalia iyo Kenya ay yihiin laba wadan oo isku baahan xaga ganacsiga sidaa daraaded ay muhiim tahay in laga wada waantobo wax kasta oo saameynaya ganacsiga labada wadan, dowladaha caalamkana ay taageran kobaca dhaqaalaha Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here