Dalka Sacuudiga oo Danjirihiisa Mareykanka u Magacaabay haweeney

0
111

Dowladda Sacuudiga ayaa Danjirahooda u fadhin doona  Mareykanka u Magacaabay Haweeney  Amiiradda Riima Bint Bandar taas oo noqoneysa Haweeneydii ugu horeysay ee xilka danjiranimo ee boqortooyadu u Magacaawdo.

Digreeto Boqortooyo oo soo baxday Sabtidii shalay ayaa Magacaabistaas lagu shaaciyay,waxana la sheegay in Amiiradda Riima Bint Bandar ay kusoo kortay Magalada Washington ee dalka Mareykanka.

Amiirad Riima waxay xilka kala wareegi doontaa dhaxal sugaha taajka boqortooyada walaalkii oo ka yar, Amiir Khaalid Bin Salmaan, oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in Haweeneydaan loo Magacaabay Danjiraha Sacuudiga u fadhin doona Mareykanka in Abaheed Bandar Bin Suldaan uu Danjire ahaa intii u dhaxeysay Sanadihii 1983 ilaa 2005.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here