{DHAGEYSO} Aqalka Sare oo si kulil ugu ka hadlay kufsigii iyo dilkii Caasho Ilyaas

0
128

Haweenka ku jira Golaha Aqalka sare ee dalka ayaa Cambaareeyey falkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee lagu Dilay Allaha u Naxariistee Caaisha  Ilyaas Aaadan oo 12 sano jir Aheyd.

Sanoter Zamzam Ibraahim Cali oo ka mid ah guddiga xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Carruurta ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay falkaasi loo geystay Gabadhaasi yar,isla markaana ay tahay wax ka baxsan xaquuqda Aadanaha.

Sanoter Zamzam Ibraahim Cali oo ay wehlineysay Sanoterad kale oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxaa ay kubaaqeen in lasoo qabto Cidii falkaas ka dambeysay,isla markaana Cadaaladda la horkeeno.

Si kastaba Puntland ayaa shalay oo Talaada aheyd waxa ay shaacisay in dad u qabatay falka kufsiga iyo dilka ahaa ee lagula kacay Caasho Ilyaas,isla markaana ay baaritaano ku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here