diyaarad uu saarnaa wasiir oo Burburtay

0
291

Wasiirka dalxiiska dalka Nepal Rabindra Adhikari iyo lix qof oo kale ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo khamiista maata ah ka dhacay bariga dalkaas sida ay xaqiijisay wasaaraa amniga Nepal.

Adhikari iyo lixdan xubnood oo uu ku jiray duuliyihii diyaaradan ayaa ku dhintay shilka oo ka dhacay keyn ku taal inta u dhaxeysa degmooyinka Teplajung iyo Tarathun oo ay ku dul dhacday.

Afhayeenka wasaarada arimaha gudaha Ram Krishna Zubedi ayaa sheegay in la aqoonsaday meydka wasiirka iyo lixda xubnood ee la saarnaa diyaarada.

Krishna ayaa ugu danbeyn sheegay in ay wadaan baaritaanada la xiriira waxa dhaliyay shilkaan uu ku geeriyoday wasiirkii dalxiiska ee Nepal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here