Dowlada Kenya oo Caalamka ku wargelisay Khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya

0
195

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya  Monica Juma ayaa maanta u sheegtay Warbaahinta Gudaha dalka Kenya in ay Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika in ay ku wargaliyeen Khilaafka soo gala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya ayna u sheegeen in ay dareen u lahaadaan Xaaladda.

Waxa ay sheegtay in maalmihii ugu dambeeyay ay qaabishay Safiiro ka socday dalalka Yurub, kuwaasoo ugu baaqay in labadda dhinac in ay muujiyaan tanaasul, islamarkaana ay ka wada hadlaan Xaaladdaha taagan.

Waxa ay tilmaamtay in Kenya ay Caalamka la wadaagtay Khilaafka, islamarkaana ay u sheegtay in Soomaaliya ay duulaan ku tahay Badda Kenya sidda ay sheegtay Wasiiradda.

Monica Juma ayaa xustay in sidoo kale jiraan dadaallo ay waddaan qaar ka mid ah dalalka Afrika iyo Midowga Yurub oo lagu xalinaayo Khilaafka labadda dal ee ku saleysan Muranka Badda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here