FAAH FAAHIN Qarax Sababay dhimasho iyo dhaawac oo caawa ka dhacay Muqdisho

0
137

Qarax sababay dhimashada hal iyo dhaawaca kale oo dhamaantood shacab ah ayaa caawa ka dhacay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxan uu dhacay ka dib markii rag hubeysan ay bam gacmeed ku tuureen fariisiin ciidamada boolisku ku leeyihiin meel ku dhow Masjidka Xaaji Yabarow ee ku yaalla degmada Boondheere.

Qaraxa ayaa Ā jugtiisa meelo badan laga maqlay, iyadoo ciidamada dowlada ee bamkaas lagu weeraray ay fureen rasaas aan badneyn.

Qofka geeriyooday ayaa la sheegay inuu ahaa wiil darawal ka ahaa mooto bajaaj halkaas mareysay xiligu qaraxu dhacayey, iyadoo labada dhaawacmayna ay ahaayeen dad wadada ku lugeynayey sida ay sheegeen dadka degaanka.

Lama oga in qaraxan uu khasaare ka soo gaaray ciidankii lala beegsaday, balse waxaa xaafadaha ku dhow goobtaas ka socda howgalo ay sameynayaan ciidamada amaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here