FAAH FAAHIN Xildhibaan ku geeriyooday Puntland

0
168

Sidda ay Warbaahinta  u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland waxaa goor dhoweyd shil gaari ku dhintay mudane ka tirsan Golaha wakiilada Puntland.

Xildhibaanka ayaa kusii jeeday degmada Waaciye Waxaana uu ka baxay Magaalada Boosaaso.

Xildhibaanka Geeriyooday waxaa lagu Magacaabaa Maxamed Faarax Mire waxaana laga soo doortaa gobolka Bari.

 

Wararku waxay sheegayaan in Gaariga xildhibaanka uu dusha ka maray gaari xamuul ah oo u socday dhinaca magaalada Boosaaso xarunta ganacsiga Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here