Faah Faahina Dheraad ah oo laga helaya Qarax Caawa Ka Dhacay Muqdisho

0
161

Faah Faahin ayaa ka soo baxeysa qarax Gaari loo adeegsaday oo Caawa ka dhacay Wadada aadka u mashquulka badan ee Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeeysa Hotel Maka Al-Mukarama iyo Maqaayad lagu magacaabo Hilaac UK  oo ku taalla Wadada Maka Al Mukarama,isla markaana waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dad ka badbaaday qaraxa oo la hadlay Hiiraanwenynn ayaa u sheegay in goobta uu qaraxa Caawa ka dhacay ay aheyd meel aad u mashquul badan oo ay ku sugnaayeen dad farabadan.

Gaadiidka gurmad deg deg ah ayaa dadkii ku waxyeeloobay qaraxa u daad gureynaya  Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho,waxaana halkaasi  ku sugan Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here