Fal naxdin leh meydka gabar yar Oo lasoo dhigay guriga Ehelkeeda magaalada Gaalkacyo

0
233

Wararka naga soo gaaraya Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Meydka Gabar Yar laga helay Xaafad ka tirsan Koonfurta Magalada Gaalkacyo,taas oo si xun loo dilay.

Gabadha Yar ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Caaisha Ilyaas Aadan,waxaana la sheegay in la dhigay Gurigooda Hortiisa,isla markaana maalmahaan ay Reerkeeda ka maqneyd oo ay baadi goobayeen.

Wariyeyaal ku sugan Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in Meydka Gabadha Yar oo jirkeedu uu ka muuqdo jirdil xoogan la geeyey Isbitaalka Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Weli macada sababta Gabadhaasi yar loo dilay iyo cidda ka dambeysay dilkeeda,waxaana dhacdadaas Maanta aad looga hadal hayaa Guud ahaan Magalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here