HORDHAC: Kulanka Xiisaha Badan ee Manchester City vs Arsenal

0
133

Manchester City oo dooneysa inay iska dhaqdo guul daradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaartay Newcastle United ayaa caawa mininkeeda ku marti galineysa kooxda Arsenal.

Wararka Labada Dhinac.

Vincent Kompany ayaa weli ka maqan City laakiin goolhaye Ederson ayaa la filayaa inuu fiicnaado kaddib markii uu dhaawac yar oo jilibka ah ka soo gaaray kulankii ay guul darada kaal kulmeen Newcastele.

Benjamin Mendy ayaa shaki laga muujinayaa kaddib markii uu seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay City.

Kabtanka Arsenal Laurent Koscielny ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda kaddib markii Scan la mariyay lagu xaqiijiyay inuusan ka jabin daanka kaa oo uu dhaawac ka gaaray kulankii Man United, waxaana laga yaabaa in loo soo xusho kulanka caawa.

Danny Welbeck, Sokratis Papastathopoulos, Hector Bellerin iyo Rob Holding ayaa iyagu weli dhaawacyo ku sii maqnaan doona.

Henrikh Mkhitaryan ayaa ka soo muuqan kara kulanka kaddib markii uu ka soo kabta dhaawac cagta lugta ah.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Manchester City vs Arsenal (Premier League)

Goobta: Etihad Stadium

Goorta: 7:30 Habeenimo

Garsoorka: Martin Atkinson (England)

Xaqiiqooyinka Kulanka:

Manchester City ayaa guuleysatay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ay Arsenal la ciyaarto Premier League, afar kulan oo xiriir ah horyaalka kama aysan adkaan Gunners tan iyo bishii Abriil 1937.

Arsenal ayaa guul darreysatay Todobo ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ay  Man City ku booqoto Etihad Stadium dhammaan tartamada  (2-guul iyo 2-bar baro), Gunners waa laga adkaaday labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Manchester City ayaa guul darreysatay afar ka mid ah Sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay Premier League (5-guul) waana in la mid ah marka la isku geeyo 72-deedii kulan ee ugu dambeeyay (56-guul iyo 12-bar baro).

Arsenal ayaa guul darreysatay 11-ka mid ah 19-kii kulan ee ugu dambeeyay ay bannaanka ku soo ciyaarto Premier League (5-guul iyo 3-bar baro), hal kulan  oo qura ayayna shabaqeeda ilaashatay waana kulankii ay 1-0 uga soo adkaadeen Huddersfield bishii May 2018.

Tan iyo goolkii uu ka dhaliyay weeraryahanka Liverpool ee Firmino 3-dii Janaayo, Manchester City waxay dhaliyeen 25-gool oo xiriir ah iyadoona wax gool ah looga dhalin Etihad Stadium dhammaan tartamada, iyagoona adkaaday afartii kulan ee ugu dambeeyay ay mininkooda ku ciyaaraan waxayna isku cel celis dhaliyeen 24-0.

Manchester City ayaa guul darreysatay saddex ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay Premier League marka ay gool la hormarto, sidoo kale saddex jeer ayay guul darreysteen 96-dii kulan ee la soo dhaafay marka ay la hormarto goolka koowaad ee ciyaarta.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay goolkiisii 25-aad ee Premier League kulankii ugu dambeeyay ay Arsenal ka adkaatay Cardiff, waa laacibka sida ugu dhaqsiyaha badan ku gaara tiradaas taariikhda Gunners (37-kulan).

Macalinka Manchester City Pep Guardiola marna ma uusan guul darreysan kulan uu ka horyimid macalinka Arsenal ee Unai Emery dhammaan tartamada (7-guul, 4-bar baro iyo 0-guul darro), macalinka kaliya uu kulamo intaas ka badan ku wajahay waayihiisa ciyaareed isagoo aan wax guul darro ah kala kulmin waa Joaquín Caparrós (13 kulan).

Sergio Aguero ayaa goolal dhaliyay Todobo ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay uu Arsenal ku wajoho dhammaan tartamada, inkastuu wax gool ah dhalin labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Safafka ay caawa ku soo gali karaan Manchester City vs Arsenal:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here