Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay muranka badda

0
150

Uhuru Kenyatta oo maanta shir guddoomiyay golaha wasiiradiisa ayaa sheegay in guddi wasiiro uu u saaray muranka dhul badeedka ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

War qoraal oo soo baxay ayaa dhanka kale lagu sheegay in maanta war faahfaahsan ay soo saari doonaan xubnaha guddiga.

Waa markii koowaad oo ay Kenya ka hadasho muranka tan iyo intii dowladda Soomaaliya ay si dublamaasiyadeed oga soo jawaabtay tallaabadii Kenya ay ku dirtay Danjire Maxamed Nuur Tarsan, danjiriheediina uga yeeratay Muqdisho.

Wixii kasoo kordha dib ayaan kasoo gudbin doonnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here