Qaramada Midoobay Oo sheegtay in dhimashada dadka rayidka ah ay aad sare ugu kacday dalka Afgaanistaan:

0
97

Dad badan oo rayid ah ayaa sanadkii la soo dhaafay lagu dilay dalka Afgaanistaan sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Sanadkii tegay ee 2018kii, waxaa dhintay 3,804 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan caruur gaaraysa 927.

Waa tiradii ugu badnayd ee la diwaangeliyay tan iyo dagaalkii ugu mudada dheeraa ee dalkaasi.

Dagaalka Afgaanistaan ayaa bilowday kaddib markii uu bilowday olole ciiidammada Mareykana ay hogaaminyeen oo looga gol lahaa in meesha loogaga saaro ururka Taaliban kaddib weerarradii 11kii Sibteembar ee sanadkii 2001.

Waxayna warbixintaan ku soo beegmeeysaa maalin un ka hor iyadoo loo balansan yahay wajigii labaad ee wadahadallada lagu soo afjarayo dagaalka daashaday Afgaanistaan.

Eregyga gaarka ee Mareyknaka u qaabilsan wadahadallada Afgaanistaan ayaa Isniinta maanta ah lagu wadaa inuu dalka Qatar kula kulmo saraakiisha Taalibaan u qaabilsan wadahadallada.

Wadahadallada nabadda ee u dhaxeeyay ururka Taalibaan iyo dowladda Mareykanka ayaa ahaa kuwa si xowli ah ku socday, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu doonayo inuu dalkaasi ka soo saaro ciidammadiisa oo garaaya ilaa 14 kun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here